DHAGEYSO:Faadumo Geedi oo sheegtay in ansaxinta miisaaniyadda Wajeer aan lagu saleyn baahiyaha jiro

0
489

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Faadumo Geedi Cali ayaa dhaliil u jeedisay wakiillada laga soo doortay deegaanada hoose ee dowlad deegaankaasi oo dhawaan ansaxiyay miisaaniyad sanadeedka 2021-2022-ka.
Waxay carrabka ku dhufatay in wakiillada aynan mudnaanta koowaad siin baahiyaha ugu wayn ee ay hadda shacabku wajahayaan ee dhanka caafimaadka iyo biyaha maadaama Wajeer ay ka mid tahay ismaamullada ay abaartu saameysay.