Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka tacliinta oo amar ku bixiyay in aan la qaabilin ardayda dugsiyada...

Wasiirka tacliinta oo amar ku bixiyay in aan la qaabilin ardayda dugsiyada looga eryay hab-dhaqan xumo

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maamulayaasha dugsiyada ku amray inaynan diiwaangelin arday dugsi kale looga soo eryay hab-dhaqan xumo.
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in xita amar maxkamadeed aan arrinkan lagu hor istaagi karin.
Waxaa uu wacad ku maray in dowladda ay u istaagi doonto badbaadinta hantida dugsiyada .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan dab la qabadsiiyay qaybaha qaar ka mid ah dugsiyada dalka.
Magoha ayaa ku nuuxnuuxsaday in dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay badbaadinta nolosha ardayda iyo macallimiinta sidaas awgeedna aynan suuragal ahayn in arday sida uu hadal u dhigay madax adayg awgii loo eryay xarun kale oo waxbarasho looga diiwaangeliyo.
Ismaamulka Kisii ayaa horay looga soo tabiyay dhacdo uu arday ku weeraray isagoo dhaawacay labo macallin.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Kenya Prof. Geroge Magoha ayaa sidoo kale soo jeediyay in la soo celiyay garaacii ardayda si xal loogu helo hab-dhaqan xumida iyo falalka ay ku kacayaan oo ay ka mid yihiin dugsiyada oo la gubo iyo dhibaateynta barayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments