UNICEF oo ka digtay in 10 milyan oo carruur Afgaanistaan ah ay u baahan yihiin daryeel

0
600

Toban milyan oo carruur ah oo ku nool dalka Afghanistan ayaa aad ugu baahan gargaar bani’aadamnimo sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF ee ka hawlgasha dalkaasi.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyada oo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay uu dalbanayo $ 200m oo loogu talagalay gargaar cunto ah.
Carruurta Afgaanistaan ayaa durba u baahan gargaar bani’aadamnimo waxaana ku dhawaad hal milyan la filayaa inay la kulmaan nafaqo-darro aad u daran sannadkan, sida ay sheegtay UNICEF.