Shaqo la’aanta ugu badan caalamka oo ka jirto Koonfur Afrika

0
752

Darasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in tirada dadka ugu badan caalamka ee ay shaqa la’aantu haysato ay ku nool yihiin dalka Koonfur Afrika.
Heerka shaqo la’aanta ee wadankaasi ayaa kordhay boqolkiiba 34.4.
Tani ayaa timid ka dib markii shirkadda Bloomberg ay cilmi baaris ka sameysay 82 wadan.
Warbixintan ayaa shaaca looga qaaday magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.
Waxaa warbixinta qayb ka ah inay jiraan dad shaqeysan karo balse aan shaqo raadin.