Madaxweynaha dalka iyo dhigiisa cusub ee Zambia oo wada hadlay

0
448

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu wada hadal la yeeshay dhigiisa Zambia Hakainde Hichilema oo shalay la dhaariyay.
Mr. Kenyatta ayaa ka mid ahaa ilaa 10 hoggaamiyaal oo ka qayb galay xafladii caleema saarka ee Hichilema.
Labada mas’uul ayaa diiradda saaray sida dowladahooda ay iskaga kaashan karaan arrimaha dhaqaalaha.
Mr. Kenyatta ayaa dhigiisa Zambia u xaqiijiyay in Kenya ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso maamulka cusub ee wadankaasi.
Madaxweynaha ayaa inta ku daray in lagu dadaali doono sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ah ee ka dhexeya Kenya iyo Zambia.