Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee ICT-da Joe Mucheru ayaa dhaleecayn u jeediyay kaniisadaha isagoo ku eedeeyay inay siyaasiinta u oggolaanayaan inay u adeegsadaan madal hadallada beenta ah lagu sheego.
Mr .Mucheru ayaa hadalkan shalay ka sheegay magaalada Limuru, ee ismaamulka Kiambu, kadib kulan uu la qaatay hoggaamiyayaasha kaniisadaha iyo dhallinyarada dowald deegaankaas oo lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta dhibaatooyinka ay dhallinyaradu wajahayaan.
Mr. Mucheru ayaa hoosta ka xarriiqay in mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla kaniisadaha ee saameeya madax -bannaanidooda ay tahay deeqaha baaxadda leh ee ay ka helayaan siyaasiyiinta tani oo uu tilmaamay, inay ku qasbaysa inay oggolaadaan waxa uu ugu yeeray beenta ay faafinayaan siyaasiyiinta deeq -bixiyeyaasha.
Hadallada uu jeediyay wasiirka warfaafinta ee dalka ee dhaleecaynta xoogani la socotay ayaa loo fasirtay inuu ku bartilmaameedsanayo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo taageero dhaqaale siiya kaniisadaha.
Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in hadalladaas loo soo waarido ama loo gudbiyo dhallinyarada oo sida uu wasiirku sheegay loo arko inay nugul yihiin.
Waxaa uu xusay in dhallinyaradu yihiin tiro aad u badan kana mid ah codbixiyeyaasha wadanka, isagoo sheegay in dowladdu ay maalgelin xooggan ku sameysay waaxyaha dhallinyarada awood siinta u sameeya, dhinacyada ay ka midka yihiin sida miisaaniyadda iyo sanduuqa horumarinta ganacsiga dhallinyarada (YEDF), kuwaaso wax ka qabtay sida uu wasiirku sheegay caqabadaha dhallinyarada haysta sida shaqo la’aanta iyadoo loo marayo ganacsiga.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyya in barnaamijka YEDF looga gol-leeyahay in ganacsiyada dhallinyarada looga badbaadiyo saameynta cudurka COVID19.
Waxaa uu intaasi ku daray in sanduuqan uu bixiyay amaah lacageed oo dhan 660 milyan oo shilin tan iyo markii cudur sidaha corona laga diiwaangeliyay gudaha dalka.