Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kamukunji oo ay xaafadda Islii ka tirsan tahay ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xassan ayaa tagay xarunta booliska ee Pangani isagoo gudbiyay farriin cabasho ah.
Waxaa uu doonaya in barasaabkii hore ee caasimadda dalka Mike Sonko lagula xisaabtamo qoraal uu 23-kii bishan soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka.
Yuusuf Xasan ayaa xusay inu qoraalka Sonko laga dheehan karo inuu garanayo shakhsiyaadkii ka dambeeyay weerarkii 2012-kii ee lagu dhaawacay mudanaha Kamukunji taasina aan la fududeysan karin.