Ra’iisul wasaaraha wadanka Sweden Stefan Lofven ayaa sheegay inuu xafiiska baneyn doono bisha 11-aad ee sanadkan.
Mas’uulkan oo sidoo kale ah madaxa xisbiga Social Democratic ayaa xusay inuu fursad siinayo cidda dalkaasi gaarsiinaysa doorashada guud ee bisha sagalaad sanadka 2022-ka.
Horraantii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii golaha baarlamaanka uu ra’iisul wasaare Lofven shaqada dib ugu soo celiyay toddobaadyo un ka dib markii kalsoonida lagala laabtay.
Waxaa uu isku soo bax siyaasadeed ka sheegay in bisha 11-aad uu wareejin doono hoggaanka xisbiga kadibna uu iska casili doono xilka ra’iisul wasaaraha Sweden oo uu hayay tan iyo 2014-kii.