Mudavadi:BBI waxay u guuldareysatay in aan aragtiyada kala duwan fursad la siin

0
484

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sababtii ay maxkamadda sare ee dalka iyo midda racfaanka u joojiyeen qorshihii sharci beddelka ee BBI ku sheegay in dhinacyadii hoggaaminayay aynan soo dhaweyn aragtiyada ka duwan kuwooda.
Mudavadi waxaa uu xusay in madaxweyne Uhuru Kenyatta, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo siyaasiyiinta kale ee taageerayay hannaanka ay diideen inay dhagaystaan afkaarta dadka kale.
Wuxuu intaa ku daray in la siyaasadeeyay wax ka beddelka xeerarka dalka.
Mudavadi ayaa yiri”Marka ay madaxdu diidaan inay is dhagaystaan waxay reebtaa raad aan wanaagsanayn”
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in saddexdii sano ee la soo dhaafay kheyraadka lagu bixiyay qorshaha BBI si wayna looga hadlayay iyadoo sida uu hadalka u dhigay shakhsiyaadka qaar ay is-leheysiinayeen hadana ay maxkamaddu joojisay.
Madaxa ANC waxaa uu hoggaamiyaasha siyaasadeed ugu baaqay inay is xushmeeyaan oo ayna ku dadalaan sidii cid kasta ay qayb uga noqon lahayd Kenyan loo dhan yahay oo laga wada faa’iidaysto.
Jimcihii ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ee dalka ay ayidday go’aan ay bishii shanaad ee sanadkan maxkamadda sare ku laashay geeddisocodka sharci beddelka ee BBI oo ay ku tilmaantay sharci darro.