Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ayaa xabsiga dhigay 14 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Itoobiya.
Taliyaha booliska ee deegaanka galbeedka Kirinyaga Martha Ng’etich ayaa sheegtay in shakhsiyaadkan la qabtay gelinkii dambe ee shalay xilli baabuur siday uu shil ku galay tuulada Kibirigwi .
Mrs. Ng’etich ayaa laga soo xigtay in sidoo kale la xiray labo qof oo Kenyaan ah oo loo haysto inay shakhsiyaadka la qabtay musafurinayeen waxayna hadda marayaan baaritaano dheeraad ah.
Waxaa 14-ka qof lagu eedeyay inay gudaha wadanka ku joogaan qaab sharci darro ah.
Muwaadiniinta Itoobiya ee lagu xiray bartamaha dalka ayaa waxaa ka mid ah 10 carruur oo 12 ilaa 13 sano jir ah iyadoo 4-ta kale ay yihiin dad waawayn.
Wararka ayaa intaa ku daraya in rakaabkan oo loo soo waday magaalada Nairobi ay dhammaantood ka badbaadeen shilka.
Waxaa hadda lagu hayaa saldhigga booliska ee Baricho ka hor inta aan maxkamadda la soo taago.