Saraakiisha wasaaradaha waxbarashada iyo arrimaha gudaha oo raadin doono ardayda aan ku biirin dugsiyada sare

0
631

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in laga billaabo berri ay saraakiisha wasaaradda oo kaashanaya dhiggooda arrimaha gudaha sameyn doonaan howlgallo lagu raadinaya ardayda aan weli ku biirin dugsiyada sare.
Magoha ayaa xusay in howlgalkan laga fulin doono dhammaan deegaannada wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay in laga dhabeeyo qorshaha dowladda ee ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ku biiraan dugsiyada sare ee wadanka.
Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee dalka Paul Kibet ayaa dhankiisa sheegay in kastoo ardayda badankoodu ay dugsiyada iska xaadiriyeen maalinkii dib loo furay haddana ay jiraan kuwo weli guriyaha ku sugan.
Mr. KIbet ayaa xusay in fursad la siin doono ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah ee aynan u suurtagelin in ay waxbarashada sii wataan.
Waxaa uu tilmaamay in ardaydan laga doonayo inay tagaan dugsiga sare ee ugu dhow ee aan lahayn qaybta jiifka maadaama lacag la’aan lagu barto.