Garsoorayaasha maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa la filayaa inay maanta ku dhawaaqaan go’aan si wayn loo sugayo oo ku saabsan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Toddobo xaakin oo uu hor kacayo madaxa maxkamadda racfaanka ee Kenya Daniel Musinga ayaa go’aanka soo saaraya.
Waxay soo afjari doonaan dacwad in muddo ah socotay oo ay qareenada matalaya madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta , madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, guddiga doorashooyinka ee IEBC, xeer ilaaliyaha qaranka iyo xoghaynta BBI ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan go’aankii ay maxkamadda sare bilooyin ka hor ku laashay geeddisocodkan.
Garsoorayaasha ayaa looga fadhiyaa inay cadeeyaan in madaxweynaha wadanka dacwad lagu soo oogi karo hadii uu qayb ka noqdo qorsho la xiriira sharci beddel.