Ugu yaraan saddex qof ayaa dhimatay 50 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii bam lagu qarxiyay socod ay muslimiinta Shiicadu ku marayeen bartamaha wadanka Pakistan, sida ay saraakiishu sheegeen.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay khamiista maanta iyadoo dadka muslimiinta ah ay xusayeen maalinta 10 -aad ee Ashuura bisha barakaysan ee Muxarram.