Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa taageeray go’aan nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda u dheexaysa cidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ee dalkaasi ka dagaalanto taas oo ay ku barakiceen tobanaan kun oo qof , halka malaayiinna kalena ay soo foodsartay gaajo iyo macluul ,Erdogan sheegay in dowladaTurkigu ay diyaar u tahayin ay dhexdhexaadiso dowladaha Itoobiya iyo Suudaan si loo xalliyo muran xuduudeedka u dhexeeya laba dal ee ku saabsan gobolka al-Fashaga
Dhexdhexaandinta uu wado madaxweyne erdagan aya waxaa ay ku soo beegmaysa iyaadoo toddobaadkii hore casimada dalka turkiga ee Ankara uu ku martigaliyay General Abdel Fattah Abdelrahman al-Burhan, oo ah Guddoomiyaha Golaha NABADEYNTA EE dalka Sudan,
ErdogAn aya arintaasi sheegay mar uu malinti shalay ahayd uu booqday r\w Ethiopia Abiy Ahmed . Labada masuul aya sheegay in ay iskakashan doonan sare u qaadida dhaqaalaha iyo ganacsiga. Abiy ayaa dankiisa sheegay in xiriirka labada dal ka dhaxeeya uu ku dhisan yahay is aamin iyo is ixtiraam
Waqooyiga Itoobiya aya waxaa ka socdo dagaalo u dhexeeya ciidamada Ethiopia iyo kooxda TPLF tan iyo bishii November ee la soo dhaafay markii R\W Abiy uu ciidamo u diray si Wqoouyiga dalkaasi si ay u dagaalaman kooxda TPLF
QM aya sheegtay in Tobanaan kun oo qof Itoobiyaan ah ay u qaxay xerooyinka qaxootiga ee Suudaan si ay uga baxsadaan colaadda halkaasi ka waxayna sheegtay in 400,000 oo qof ay u bahan yihiin gaargaar degdeg ah
Bishii Luulyo, QM aya waxay ka digtay in, in ka badan 100,000 oo carruur ah oo ku nool gobolka Tigray ay la kulmi karaan nafaqo-darro halis ku ah caafimaadkooda.