Ayadoo wali Maraykanka iyo quwadaha kale ee reer galbeedku ku dadaalayaan daadguraynta muwaadiniintooda iyo kuwa reer Afghantaan ee dalkooda isaga baxsanaya ayaa hadana shacabka kale ee Afghanistan waxay sugayaan bal inay arkaan Maalinta xornimada Qaranka oo maanta ku beegan inay soo baxaan banaanbaxyo Taalibaan looga soo hor jeedo.
Dibadbaxayaasha ayaa isugu tagay bariga Magaalada Jalalabad arbacadii taasoo ahayd markii ugu horaysay ee si weyn ay shacabku u muujiyaan iska cabin wada jir ah tan iyo Markii Talibaan dalka la wareegtay Axadii.
Waqtiyada caadiga ah dalka Afghanistan maanta oo kale waxaa looga dabaal dagaa maalinta madaxbanaanida qaranka oo ku beegan 19 bishi August sanadkii 1919-kii xiligaas oo ay Xoriyada ka qaateen gumaystihii ingiriiska laakiin dibadbaxyada Jalalabad ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in dadku ay u adeegsan karaan munaasabadda qaran yagoo ka mudaaharaadaya xukunka Taliban.
Muuqaal uu Baahiyaya telefeshinka Ingiriiska laga leeyahay ee Sky News ayaa muujinaya boqolaal shacabka ah oo isugu tagay Jalalabad ayago sita Calanka Qaranka ee Sadexda Midab ka kooban meelaha qaar calanka ayaa daaraha dushooda ka babanaya waxayna dadka Mudaharaadayay jeex jeexeen calanka cadaanka ah ee Taalibaan.
Midka ka mid ah banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay “Aniga hortaada ayaan taaganahay, waxaad igu dhufan kartaa 30 xabadood, i dil, calankan naftayda ayaan u hurayaa, kani waa calankeygii, dowladdaydu mar dhow ayay soo laaban doontaa Eebbe idamkiis” isagoo huwan calanka Qaranka Afghanistan.
Amad Massoud oo ah hogaamiyaha Panjshiri ayaa reer galbeedka ka codsatay taageero iyo hub ay Taalibaan kula dagaalamaan,isagoo sheegay inuu marayo wadadii aabihiis uuna wato dagaalyahano diyaar u ah inay Taalibaan dalka ka faramaroojiyaan.
Dhanka kale Madaxweynaha maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku sii joogi doonaan inta ay gabi ahaanba muwaadiniintooda laga baxayaan dalkaas, xitaa haddii la dhaafo waqtigii kama dambaysta ahaa ee 31 –ka bishaan August.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in madaarka Kabul uu Maanta dagan yahay ku dhawaad 8,000 oo qofna la daadgureeyay ilaa Axadii.
Subaximadii hore ee maanta Dagaalameyaasha Taalibaan ayaa dadka ka hor istagay inay gagida diyaaradaha Galaan si ay halkaa ugu dhoofaan waxaana gudaha iyo banana garoonka lagu dilay 10 qof ka badan ilaa maalinkii Axada ayadoo Taalibaan ay sheegteen inay rasaasta kor u rideen si ay dadka u kala eryaan balse aysan doonayn inay cidna dhibaateenyaan.
Dawlad cusub oo beddesha tii Madaxweyne Ashraf Ghani, oo hada ku sugan Imaaraadka Carabta kadib Markii uu dalka isaga baxay ayay suuragal tahay inay yeelato qaab gole xukumadeed, iyadoo hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban Haibatullah Akhundzada uu mas’uul ka yahay guud ahaan Dowlada, sida uu sheegay Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan sidoo kalena lama filayo inay dowlad Dimuqraadi ah ka dhalato Afghanistan sida uu sheegay Waheedullah Hashimi oo ah sarkaal sare oo Taaliban ah.
Ghani oo lagu eedeeyay inuu dalka isaga Carararay ayadoo Axadii ay Kooxdu la wareegtay ayaa sheegay inuu tixgalinayo talooyinka saraakiisha iyo fursadsiinta wada hadalada sidoo kalena wuxuu beeniyay inuu dalka lacag kala baxay isagoo tilmaamay in hadii uu sii joogi lahaa dhiig badan ku daadan lahaa Magaalada Kabul