Dalka Burkina Faso oo saddex maalin oo baroor diiq ah galaya

0
374

Madaxweynaha dalka Burkina faso Roch Marc Christian Kabore ayaa dalkaasi galiyay saddex maalin oo baroor diiq qaran ah laga billaabo maanta oo khamiis iyadoo calanka dalkaasi hoos loo dhigaya .
Hoggaamiyaha dalkaasi ayaa mamnuucay in la qabto wax dabaal dag ah ama xaflad ah inta uu socda baroor diiqa.
Waxay tani ku soo aadaysaa ka dib markii koox lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin mujahidiinta dalkaasi ka dagalamo ay 47 qof ku dileen dhanka waqooyi kuwaas oo ay ku jiran 30 qof oo rayid ah
Weerarkaasi ayaa aha kii ugu dambeeyay ee intaasi oo qof ay ku dilaan dagalyahanadaasi.
Wasaaradda isgaarsiinta ee dalka Burkina Faso ayaa sheegtay in weerarka oo shalay ka dhacay meel u dhow magaalada Gorgadji ay sidoo kale maleeshiyaadka ku dileen 14 qof oo ka tirsan ciidamada wadankaasi iyo saddex qof oo ku shaqeynayay qaab mutadawacnimo ah.
Dowladda Burkina Faso ayaa laga soo xigtay in is –rasaaseyn dhex martay ciidamada ammanka dalkaasi iyo kooxaha aragagixisada ah ay ku dhinteen 58 qof oo ka mid ah maleeshiyaadka halka 18 qof oo rayid ay ku dhaawacmeen is rasaaseynta.
Burkina Faso aya tan iyo sanadkii 2015- kii la daala-dhacaysa weeraro isdaba joog ah oo ay geysanayaan kooxaha jihaad-doonka ee lagu eedeeyo inay xiriir dhow la leeyihiin ururka Al- qaacida iyo kooxaha isku tilmaamo islaamiyiinta.
Weeraradan oo ay weheliyaan rabshado u dhexeeya dadka deegaanka ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,400 oo qof halka 1.3 milyan ay ka carareen guryahooda