DHAGEYSO:Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dab saameeyay xarunta golaha hoose ee Garissa

0
775

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan dab abaare siddeedii barqonimo ee maanta ka kacay xarunta dhexe ee golaha hoose ee ismaamulka Garissa.
Shacabka Garissa ayaa dadaal badan ku bixiyay inay damiyaan dabka iyagoo garab ka helaya waaxda dab damiska ee ismaamulkaas iyo militariga.
Waxaa uu dabka baabi’i yay xarunta ay ku shiraan wakiillada ismaamulka Garissa iyo qaybo kale oo badan.
Dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay Maxamad Gaaboow Qarbad oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha hoose ee Garissa sidoo kalena laga soo doortay Iftiin Ward.

Wakiilka deegaanka hoose ee Iftiin ayaa meesha ka saaray suuragalnimada la xiriirta in xarunta golaha hoose si ula kac ah loo gubay wuxuuna shacabka ugu baaqay inaynan faafin warar been abuur ah oo ay laamaha ammaanka fursad u siiyaan in ay baaritaano qoto dheer sameyaan.
Hay’adda laanqeerta cas laanteeda Kenya ayaa sheegtay in ugu dambeyn dabka la xakameeyay iyadoo aynan jirin cid ay waxyeello ka soo gaartay.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah uma cadda sababta keentay in xaruntaas ay gubato waxayna ciidamada ammaanka guda galeen baaritaan degdeg oo xaqiiqa raadin ah.