Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay inay nabad doonayaan oo aysan wax aargoosi ah samayn doonin ayna ixtiraami doonaan xuquuqda haweenka iyadoo loo hoggaamsamayo shareecada Islaamka.
Hasa ahaate kumanaan reer Afghanistan ah oo badankoodu in ka badan 20 sano la shaqeeynayay ciidamada shisheeye ee Mareykanku hoggaaminayo ayaa u doonaya inay dalkooda isaga baxaan.
Kooxda Taalibaan oo ilaa sanadkii 2001-dii u daagalamaysay sidii ay ciidamada shisheeye meesha uga saari lahayd ayaa Axadii qabsatay magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan kadib markii ciidamada reer galbeedka ee Maraykanku hoggaaminayo ay wadankaas ka baxeen iyadoo la raacayo heshiis ay Taaliban ku balanqaaday inaan saraakiishaasi la weerari doonin marka ay baxaan.
Ciidamada Mareykanka ee maamulo garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ayaa ku qasbanaaday maalinkii Isniinta inay joojiyaan duulimaadyada ka dib markii kumanaan qof oo reer Afghanistan ah ay soo buux dhaafiyeen madaarka iyagoo raadinaya duulimaad,waxayna duulimaadyada mar kale dib u billowdeen shalay iyadoo xaaladdana la xakameeyay.