DHAGEYSO:William Ruto oo dhaliilay isbeheysiyada siyaasadeed ee la sameynaya

0
464

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka oo uu sheegay inay hadda diiradda saarayaan sidii ay ku soo dhisi lahayeen isbeheysi cusub.
Ruto oo hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ku marti qaaday qaar ka mid ah madaxda diimaha ee ismaamulka Tharaka Nithi ayaa ka digay in loo midoobo qaab qabyaalad ku saleysan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aynan muhiim ahayn in qaar ka mid ah madaxda xisbiyada wadanka ay ku mashquulaan sidii ay isaga uga guulaysan lahayeen sanadka 2022-ka.
Ku xigeenka madaxweynaha Kenya ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenyaanka ay taageeri doonaan cidii u hayso qorsho horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha.

Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in laga soo gudbay xilligii siyaasadda ay ku saleysnaan jirtay qabyaalad iyo sida ay tiro ahaan u kala badan yihiin qowmiyadaha wadanka.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xisbiga UDA uu yahay mid qaran maadaama sida uu hadalka u dhigay ilaa 150 ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ay diideen inay garab siiyaan xeelad abuuri karto kala qaybsanaan.
William Ruto waxaa uu sheegay inta siyaasadda Kenya ay tahay mid aan ka marnayn qabyaalad in aan laga gudbi doonin isqabqabsi iyo kala qaybsanaan