6 sarkaal boolis ah oo lala xiriirinayo dilka laba wiil oo maxkamad la soo taagay

0
723

Lix sarkaal oo boolis ah oo lala xiriirinayo dil dhawaan loogu gaystay ismaamulka Embu labo wiil oo walaalo ah ayaa xabsiga lagu sii hayn doona muddo 14 cisho ah inta laga soo gabagabeynayo baaritaannada.
Meydadka wiilashan oo lagu kala magacaabi jiray Benson Njiru iyo Emmanuel Mutura ayaa la helay iyadoo ay ku jireen gacanta booliska.
Waxaa magacyadooda lagu sheegay lixda sarkaal Benson Mbuthia, Consolata Kariuki, Martin Wanyama, Lilian Cherono, Nicholus Sang, iyo James Mwaniki.
Waxaa ay maanta kasoo hormuuqdeen garsooraha maxkamadda Milimani ee Nairobi Daniel Ndugi.
Maxkamadda ayaa amartay in 14-ka maalmood ee saraakiishaan xabsiga lagu sii haynayo ay codsadeen qareenada dacwad soo oogayaasha maadaama kiiskan uu yahay mid xasaasi ah.
Waxaa maxkamaddu carabka ku dhufatay in xubnaha qoyska ee wiilasha ay doonayaan inay ogaadaan cidda dishay labada walaalo.
Maxkamadda ayaa xustay in tani lagu gaari karo oo keliya haddii booliiska la siiyo wakhti ay ku soo gabagabeeyaan baaritaannada.
Waxaa ay intaa ku dartay maxkamadda in lagama marmaan tahay in xabsiga lagu sii haayo saraakiisha madaama hadii la sii daayo ay fowdo dhallan karto.
Shalay ayay ahayd markii taliyaha guud ee booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai uu sheegay in saraakiisha si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay.
Waxaana dhanka kale agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji uu soo saaray amar lagu soo xiraya 6-da sarkaal.
Amarka lagu soo xiraya ee ka soo baxay Nuurdiin Xaaji ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu warbixin ka helay maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA oo baaritaano dhacdadan la xiriira soo gabagabeeyay.