Ku dhawaad 8,000 oo arday ah oo aan codsan inay ku biiraan jaamacadaha iyo machadyada

0
763

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in ugu yaraan 7,850 ka mid ah ardaydii sameeyay imtixaanka shaaddiga ee dugsiyada sare (KCSE-da) ee sanadkii 2020-kii aynan codsan in fursad loo siiyo ku biiridda jaamacadaha iyo machadyada dalka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha.
Wasiirka ayaa xusay in 142,540 arday ah oo u qalmo inay bartaan culuunta heerka Degree 134,690 ka mid ah la siiyay culuuntii ay codsadeen inay bartaan.
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay inaan fursad dheeraad ah la siin doonin ardayda aan ka faa’iidaysan muddadii loo qabtay.
Wuxuu intaasi ku daray in ilaa saddex mar dib u eegis lagu sameeyay codsiyada ardayda.
Sidoo kale wasiirka ayaa walaac ka muujiyay in ardayda qaar ay ilaa saddex mar qoreen inay doonayaan barashada tusalae culuunta caafimaadka taasoo laga wanaagsan yahay.
Wasaaradda waxbarashada ee Kenya ayaa dhanka kale soo dhaweysay inay korortay tirada dhallinyarada ee daneynaya inay bartaan farsamada gacanta.
Arday dhan 6,617 ee helay buundada C+ iyo wixii ka sarreeya ayaa codsaday culuunta farsamada marka loo barbardhigo sanadkii 2019-kii oo ay tiradan ahayd 2,632.