Senatar aqalka sare ee dalka si magacaabis ah ku soo galay oo shil ku geeriyooday

0
563

Victor Prengei oo ah senatar aqalka sare ee dalka ku soo galay si magacaabid ah ayay wararku sheegayaan inuu xalay geeriyooday ka dib markii uu shil gaari galay xilli uu marayay wadada xiriirisa magaalooyinka Nakuru iyo Kabarak .
Ciidamada Booliska ayaa sheegay inuu shilku ka dhacay meel u dhow aagga loo yaqaano Gioto ee qashinka lagu qubo oo dhowr kiilomitir u jirta magaalada Nakuru.
Mr Joseph Towett, oo ah guddoomiyaha golaha odayaasha deegaanka ayaa xaqiijiyay geerida senatarka wuxuuna sheegay inuu xakameyn waayay koontaroolka gaarigiisa ka hor inta uusan ku dhicin meel god ah
Siyaasigan ayaa geeriyooday isagoo lagu dabiibayo isbitaalka.
Taliyaha Ciidamada booliska ismaamulka Nakuru Beatrice Kiraguri ayaa sheegtay in xildhibaanku gaariga u waday Kabarak isagoo ka yimid magaalada Nakuru.
Mr. Prengei oo 37 sano jir ahaa ayaa waxaa sanadkii 2017-kii soo magacaabay xisbiga talada dalka haya ee Jubilee isagoo ku biiray senatarrada wadanka si uu u matalo dhallinyarada.
Barasaabka ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui ayaa Victor ku tilmaamay shakhsi si daacadnimo ay ku dheehan tahay ugu adeegayay dadweynaha.
Guddoomiyaha Nakuru ayaa sheegay in senatarka uu geeriyooday abaare 9.45 ee xalay.