Puntland iyo Jubaland oo soo magacabay Gudiyada Doorashada

0
438

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay soo saareen War-Saxaafadeed wadajir ah oo ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo Muranka ka taagan doorashooyinka Qaranka maadaama mudada xilheynta Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya uu hada gebo-gabo yahay.
War-Saxaafadedka ayaa waxaay uga hadleen heshiiskii doorasho ee Madaxda Dowladda Fedraalka Soomaaliya & Maamul goboleedyada ay Muqdisho ku gaareen 17-kii Bishii September ee Sanadkii hore, kaasoo dhaqan geli waayay iyo caqabadaha ka horyimid.
Labada Maamul oo xalay soo Magacaabay gudiyada doorashada Heer Maamul goboleed ayaa waxay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay socdeen kulamo looga hadlayo muranka doorashooyinka oo ay wadeen beesha Caalamka, gaar ahaan uu hormuud ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis swan.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaay ku baaqeen in la qabto shir deg deg ah 30 bisha January 2021 si loo xaliyo arrimaha hor taagan doorashada Soomaaliya.
Labadaan maamul goboleed ayay ku harsanaayeen Guddiyada doorashooyinka Heer Maamul Goboleed ayaa ugu dambeyn xalay Saqdii Dhexe ku dhawaaqeen Guddiyadooda doorashada.
Guddiyada ay labada Maamul Magacaabeen ayaa ka kooban min 8 Xubnood, oo lagu biirin doono min Saddex Xubnood oo ka socda dhinaca dowladda Federaalka.
waxaana Xubnaha Puntland ay soo Magacaawday ay kala yihiin.
1 Cabdikariim Muuse Maxamuud
2 Muuse Cabdulqaadir Ducaale
3 Axmed Cabdi Maxamuud
4 Caynaanshe Yuusuf Xuseen
5 Caydaruus Axmed Faarax
6 Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7 Farxiya Xuseen Maxamuud
8 Canab Xaaji Saleebaan Warsame
Dhinaca kale dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay soo Magacaabeen 8 xubnood oo ah guddiga doorashooyinka Heer Dowlad goboleed, kuwaas oo lagu dari doono Saddex Xubnood oo ka socda dhinaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ay kala yihiin.
1: Siyaad Maxamed Mursal
2: Axmed Maxamuud Cumar
3: axmed Cabdi Nuur
4: Samsam Faarax Nuur
5: Maxamed Cusmaan Gaab
6: Ibraahim Aadan Ibraahim
7: Axmed Yuusuf Maxamed
8: Abuukar Nuur Cabdi
Guddiga doorashooyinka ay horay u Magacaawday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kasoo horjeestay Puntland iyo Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, hayeeshee ugu dambeyn Puntland iyo Jubbaland dhankooda ay soo Magacaabeen guddiyada doorashada Heer Dowlad Goboleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here