Kooxda Talibanka ayaa ku dhawaaqday in dagaalka Afghanistan uu dhammaaday kadib markii dagaalyahannadoodu ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Kabul oo ay la wareegeen aqalka madaxtooyada, islamarkaana madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.
Afhayeen u hadlay xafiiska siyaasadda ee ururka Taaliban oo lagu magacaabo Maxamad Naciim ayaa warbaahinta Al Jazeera u sheegay in kooxdu aysan doonayn inay kalinimo ku maamullaan dalkaasi.
Waxaa uu sheegay in nooca iyo qaabka dowladda cusub ee Afghanistan dhawaan la caddeyn doono.
Waxaa uu sidoo kale ku baaqay xiriir nabadeed oo caalami ah.
“Illaahay baa mahad leh, dagaalkii waa uu dhammaaday,” ayuu yiri Maxamad Naciim.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa galinka dambe ee maanta ka doodi doona xaaladda Afghanistan.