Waxaa lagu soo warramayaa in madaxweynihii dalka Afghanistan Ashraf Ghani uu wadanka isaga tegay.
Waxaa uu ku biiray muwaadiniin iyo ajaaniib ka cararaya dalkaasi.
Tani ayaa kusoo aadeyso xilli xooggaga Taliban ay gudaha u galeen caasimadda Kabul.
Waxaa sidoo kale ku xigeenka madaxweynaha dalkaasi Amrullah Saleh la soo sheegaya in uu ka cararay wadankaasi.
Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan ayaa wakaalladda wararka ee Reuters u sheegay in madaxweyne Ghani uu u baxsaday wadanka Tajikistan.
Dhanka kale, sarkaal u hadlay Taaliban ayaa sidoo kale u sheegay wakaallada wararka ee Reuters inay hubinayaan wararka ku saabsan ka bixitaanka Ghani ee dalkaasi.
Waxaa muuqata in ciidamada dowladda oo caalamka aqoonsan yahay ee Afghanistan ay awoodoodi wiiqatay, islamarkaana ay u badan tahay in fallaagada Taaliban nay markale xukunka la wareegaan tani markii la inqilaabay sanadkii 2001-di.