Kenya oo madaxda Suudaanta Koonfureed baaq u dirtay

0
583

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta uu mas’uuliyiinta dalka Suudaanta Koonfureed ugu baaqay inay dardargeliyaan geeddisocodka nabadeed.
Waxaa uu u soo jeediyay inay soo gaba gabeyaan dhaqangelinta heshiiskii sanadkii 2018-kii lagu saxiixday caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum.
Mr. Kenyatta ayaa caqabadaha xalka u baahan ee Suudaanta Koonfureed ku sheegay arrimaha amniga.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisi hore Riek Machar laga doonayo inay shacabkooda u turaan oo ay ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay sanado dhowr ah isku hayeen.
Suudaanta Koonfureed ayay dagaalo sokeeye oo ay ku barakaceen ilaa 4 milyan oo qof ay ka jireen tan iyo sanadkii 2013-kii.