Madaxweynaha Afghanistan oo ka hadlay xaaladda ka taagan dalkiisa

0
575

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa wacad ku maray in dalka uu ka difaaci doona Taalibaan, xilli kooxdaasi ay ku sii siqayaan magaalada caasimadda ah ee Kabul.
Khudbad gaaban oo uu jeediyay madaxweyne Ashraf Ghani ayuu ku sheegay in ka saarista ciidamada qalabka sida ee Afghanistan ay tahay ahmiyadda koowaad, wuxuuna wadatashiyo la yeelanayaa hoggaamiyeyaasha deegaanada iyo la -hawlgalayaasha caalamiga ah ee u taagan horumarka dalka.
Waxaa sidoo kale dagaal xooggan laga soo sheegayaa magaalada Maidan Shar oo 40 kilomitir oo keliya u jirta magaala madaxda Kaabuul.
Waxaana wararka sheegayaan in Taalibaan ay ku sii siqayaan Kabuul oo laga cabsiqabo inay gudaha u galaan inkastoo ay ciidamo ajaanib ah ay ku sugan yihiin.