Diyaarad ah nooca qummaatiga u kacda ee loo yaqaano Helikobtarka ayaa lagu soo warramayaa inay ku burburtay gacanka Kamchatka ee dalka Ruushka.
Waxay siday 16 qof oo isugu jiro saddex shaqaale iyo 13 rakaab ah.
Ilaa iyo hadda waxaa la la’yahay toddobo ka mid ah rakaabkii diyaaraddu ay la dhacday.
Diyaaradda oo ahayd Mi-8 ayaa ku soo dhacday harada Kuril waxaana la howlgeliyay ilaa 40 samatabixiyaal ah.
Aaagga uu ka dhacay shilkan ee Kamchatka ayaa in ka badan 6,000 kiilomitir dhanka bari kaga beegan caasimadda wadanka Ruushka ee Moscow.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi ayaa laga soo xigtay in ilaa iyo hadda sagaal qof la soo badbaadiyay.