Golaha xeer dejinta dalka ayaa ka soo horjeestay xeer uu soo saaray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC.
Xeerkan ayaa lagu xaddiday qiimaha lacageed ee ay adeegsan karaan siyaasiyiinta u tartamaya jagooyinka hoggaanka xilliga ay ku guda jiraan ololahooda.
Hasa ahaate waxaa nidaamka IEBC su’aal geliyay guddiga baarlamaanka u qaabilsan xeerarka gaarka ah.
Guddiga ayaa IEBC ku eedeyay inuu nidaamkan soo saaray iyadoo wax wada tashi ah uunan sameyn.