Golaha horumarinta ismaamullada xoolo dhaqatada ee FCDC oo kaashanaya hay’adda USAID KUZA ayaa xoghayayaasha dowlad deegaannadan u qabtay kulan aqoon is-weydaarsi ah.
Waxaa tababarka diiradda lagu saaray afar qodob oo ay ugu muhiimsan tahay in la wanaajiyo jawiga dhaqaalaha sidoo kalena la ballaariyo fursadaha la xiriira.
Sidoo kale waxaa diiradda la saaray xoojinta hay’adaha ismaamullada iyo in laga dhiso dhanka maamul wanaagga.
Hay’adahan ayaa la doonayaa inay iskaashi la sameyaan shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay si sare loogu qaado maalgashiga gudaha dowlad deegaanada wadanka.
Xoghayaha dowladda ismaamulka Garissa Cabdi Muxumad Cali ayaa sheegay in aqoon is-weydaarsiga looga wada hadlay dardargelinta natiijooyinka barnaamijyada dhanka qiimeynta iyo dabagalka.
Tababarka oo lagu qabtay maqaaxida Samburu Simba Lodge ee ismaamulka Isiolo ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin matalayay ismaamullada Garissa, Wajeer , Mandera, Isiolo, Marsabit, Turkana, Samburu, Lamu iyo Tana River .