Ergeyga dowladda Maraykanka ku matalo geeddisocodka nabadeed ee dalka Afghanistan Zalmay Khalilzad ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago dalka Qatar.
Waxaa uu sheegay inuu halkaasi kaga qayb geli doono kulan looga gol-leeyahay in kooxda Taalibaan lagu cadaadiyo inay soo afjarto weerarrada ay ka waddo gudaha Afghanistan.
Taalibaan ayaa maalimihii ugu dambeeyay la wareegtay gacan ku haynta magaalooyin iyo degmooyin dhowr ah.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Khalilzad uu gacan ka gaysan doono isku dubarida falcelin caalami ah oo ku aaddan xaaladda amni ee ka sii dareysa ee dalka Afghanistan.
Shalay ayay ahayd markii Taalibaan ay shaacisay inay qabsatay magaaladii lixaad ee caasimad goboleed ah muddo afar cisho gudahood ah.