Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha tacliinta ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socdo kulan la yeesho wasiirka waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha.
Xubnaha guddigan ayaa doonaya inay xaqiijiyaan eedeymo loo jeediyay maamulayaasha dugsiyada oo ah in ay waalidiinta ka dalbadaan lacago dheeraad ah oo aynan dowladdu jaangoyn.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda ku biirayaan fasalka koowaad ee dugsiyada sare ay walaac ka muujiyeen in laga dalbaday inay bixiyaan qarashaad aan lagu xusin warqadda qaabilaadda.
Guddoomiyaha guddiga tacliinta ee baarlamaanka dalka Ms Florence Mutua ahna wakiilka haweenka ee ismaamulka Busia ayaa sheegtay in ay arrintan baaritaan qoto dheer ku sameyn doonaan.
Waxay intaasi ku dartay inay sharci darro tahay in maamulayaasha dugsiyada ay waalidiinta ku soo rogaan qarashaad aynan ansaxin wasaaradda waxbarashada ee wadanka.