Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya IEBC oo xaqiijisay saxiixyada BBI

IEBC oo xaqiijisay saxiixyada BBI

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa hubiyay in 1,140,845 oo qof oo saxiixyadooda ku taageereen sharci beddel si geeddisocodka warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI loogu sii tallaaba qaado.
Tiradaan ayaa ka mid ah 4.4. milyan saxiix oo ay xoghaynta BBI soo bandhigeen bishii hore.
IEBC ayaa arrinkan u gudbisay afhayeenada wakiillada golaha hoose ee 47-da ismaamul ee dalka.
Hindise sharciyeedkan waa in ay ansixiyaan ugu yaraan 24 ismaamul si loo guda galo geeddisocodka lagu beddelaya qaar ka mid ah xeerarka wadanka.
Guddoomiyaha xoghaynta warbixinta BBI Dennis Waweru ayaa sheegay in la doonayo in afti dalka ka qabsoomto sida ugu dhaqsiyaha badan.
Dhammaadkii bishii hore ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu billaabay inuu xaqiijiyo 4.4 milyan oo ah saxiixyada BBI ee loo soo gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments