Dowladda oo sheegtay in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay dhammaan u gudbayaan dugsiyada sare

0
391

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa xaqiijisay in lagu guulaysanayo qorshaha ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee wadanka ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare.
Shalay ayay ahayd markii ay dugsiyada sare ku biireen in ka badan hal milyan oo ah ardaydii sameeyay imtixaanka fasalka sideedaad ee KCPE-da.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda tacliinta dalka Sarah Ruto ayaa laga soo xigtay in la diyaariyay tallaabooyin lagu hubinayo in dhammaan ardaydan ay u gudbaan heerka xiga ee waxbarashada.
Waxay sheegtay inay jiraan 20,000 oo arday ah oo aan weli dugsiyada ku biirin balse la caawin doono.