NCIC oo kulamo ku saabsan nabadda ku qabanaysa Kisumu

0
661

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa ismaamulka Kisumu ka billaabaya kulamo looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo nabadgalyada, wadajirka iyo isdhexgalka bulshada.
Guddiga ayaa sheegay in uu qaban doono kal-fadhiyo shacabka lagu fahansiinaya ka hor tagga rabshadaha la xiriira doorashooyinka.
Kulamada maanta billaabanaya ayaa socon doono ilaa 29-ka bishan koowaad.
Waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsanaya wariyaal , dhallinyaro , gaadiidley , dadka ka shaqeeya arrimaha nabadda iyo shakhsiyaadka wax ku qoro shabakadaha ama website-yada kala duwan.
NCIC ayaa sheegtay in shirarkan diiradda lagu saari doono sida la isugu dulqaadan karo iyadoo ay jirto kala duwanaansha dhanka taageerada iyo afkaarta siyaasadeed ah.