Madaxweye ku xigeenka dalka William Ruto ayaa laga hor istaagay inuu wadanka ka ambabaxo oo uu aado dalka Uganda.
Arrintan ayaa waxaa si weyn uga carooday xulafadiisa.
Mr ayaa 3 saacadood lagu hayay garoonka diyaaradaha ee Wilson sababo aan cadeyn.
Hogaamiyaha labaad ee dalka ayaa markii uu tagay garoonka diyaaradaha ee Willson ee magaalada Nairobi waxaa loo sheegay inuusan duuli karin .
David Mugonyi afhayeenka xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in tani aysan waligeeda dhicin 9 sano oo uu Ruto xilka hayay.
Saraakiisha u qaabilsan laanta socdaalka ee ayaa ku wargaliyay Ruto inay fulinayaan awaamiir ka timid wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka.
Si kastaba ahaate Ruto ayaa doonayay inuu wadanka Ugaanda u aado arrimo isaga u qaas ah.