DHAGEYSO:2 qof oo ku dhimatay baabuur rasaas ooda looga qaaday wadada isku xirta Nairobi iyo Machakos

0
653

Laba qof ayaa geeriyooday ka dib markii kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen baabuurkii ay saarnaayeen islamarkaana 18 rasaas ooda looga qaaday
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Machakos John Ondego ayaa xaqiijiyay dhacdadan.
Mr. Ondego ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah dhibbanayaasha uu yahay sarkaal booliis ah oo ka howlgala degaanka Mwala ee ismaamulka Machakos.

Kooxda hubaysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa xanibay baabuurka ay saarnaayeen labada qof ee dhintay.
Darawalkii wada gaarika la weeraray iyo qof kale oo la socday ayaa isla goobta uu weerarka ka dhacay ku nafwaayay.