Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay saddex qof oo dhac iyo khiyaano u geysan jiray kenyaanka.
Howlgalo ay fuliyeen laamaha amaanka ayaa raggaan ugu dambeyn laga soo qabtay ismaamulka Isiolo.
Shakhsiyaadkan ayaa adeegsada xeelado kala duwan si ay dadka uga dhacaan lacagaha ugu jira taleefonadooda.
Waxaa ayna dhaca ugu badan ka sameeyeen ismaamullada Isiolo iyo Kajiado.
Magacyadooda ayaa lagu kala sheegay Samwel Maina Ndirangu, Mary Wangari Hinga, iyo Josephine Chesang Tanui.
Ku-simaha hoggaamiyaha sirdoonka, saldhigga Isiolo ayaa ka mid ahaa saraakiisha sameeyay hawlgalada lagu soo xiray 3 qof ee caadaystay inay si khiyaano ah kenyaanka uga dhacaan hantidooda.
Eedeysanayaashan ayaa dadka u dira fariimo loo ekeeysiiyay Mpesa-da taas oo keentay in dad badan ay ku waayaan lacagahooda.
Waxaa ayna sido kale iska dhigaan dad iibiya kaararka taleefoonada, Sim card-ka iyo qalab kale ee beec jaban ah si ay dadka ugu dhacaan.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale soo helay gaari nooca Toyota vitz oo ay ka buuxeen taloofoonnada gacanta oo ay dhaca ku fulinayeen.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in la soo taago maxkmadda si loogu soo oogo dacwado ka dhan ah khiyaano.