William Ruto oo dib u dhigay isu soo baxyadii siyaasadeed ilaa amar dambe

0
641

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dib u dhigay isu soo baxyadii siyaasadeed ee qorsheysnaa ilaa amar dambe.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu u hoggaansamayo tilmaamihii ee shalay soo saartay wasaaradda caafimaad ee dalka.
Waxaa uu intaa ku daray in qof walbo ay mas’uuliyad shakhsiyeed saaran tahay si loo xakameeyo cudurka sii faafaya ee Covid19.
Dowladda ayaa meesha saartay dhammaan isu imaatinka dadweynaha ilaa muddo 30 cisho ah.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa xusay in isu soo baxyada siyaasadeed ay sababeen in kiisaaska cudurka uu ku kordho ismaamullada qaar.