Waxaa isbitaalka Nairobi Hospital laga saaray guddoomiyaha dowlad deegaanka Kitui Charity Ngilu oo laga daweeyay cudurka COVID19 oo dhawaan saameeyay.
Mrs. Ngilu ayaa sheegtay in hadda ay xaaladeeda caafimaad soo hagaagayso.
Saraakiisha caafimaadka ayaa u oggolaaday inay isku daryeesho guriga.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Ngilu aynan xaaladeedu khatar ku jirin oo ay xita awooddo inay taleefoono dirsato oo ayna la hadasho dadka soo booqanayay.
Maalinkii Talaadada ayay ahayd markii uu dhigeeda Machakos Dr. Alfred Mutua shaaciyay in barasaabka ismaamulka Kitui uu haleelay cudurka COVID19.