Kenya iyo Ingiriiska oo xoojinaya xiriirkooda

0
370

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson.
Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda cilaaqaadka ka dhexeya dalalkooda.
Mr. Kenyatta ayaa Ingiriiska ku joogo safar rasmi ah oo galay maalinkii saddexaad.
Mr. Kenyatta iyo Mr.Johnson ayaa wada hadallada diiradda ku saaray dhaqangelinta qodobadii ay ku heshiiyeen sanadkii hore.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay in cudurka COVID19 uu caqabad ku noqtay hirgelinta waxyaabihii labada dhinac ay isku af-garteen.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa dhankiisa sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay sidoo loo kordhin lahaa howlaha ganacsi ee ay ku leedahay gudaha Kenya.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale hoggaamiyaha Ingiriiska la wadaagay culeyska Kenya ka haysto helidda tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona waxaana loo ballanqaaday in arrintani laga caawin doono.