Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in xaaladaha caabuqa corona ee gudaha Kenya laga diiwaangeliyay tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii hore ay gaareen 100,052.
Tani ayaa timid ka dib markii galinkii dambe ee shalay la shaaciyay 69 xaaladood oo cusub oo laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay dheecaan dhan 2,814 .
Hasa ahaate gudaha dalka lagama soo tabin wax dhimasho oo dheeraad ah waxayna dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka COVID-19 tahay 1,744.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in 506 bukaan oo qabo cudurka COVID-19 ay weli ku jiraan isbitaallada kala duwan halka 1,469 lagu daryeelaya guriyaha.
Tirada dadka ka caafimaaday xanuunkan laga soo billaabo bishii Afaraad ee 2020-kii ayaa ah 83,418 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.