Guddoomiyaha dowlad deegaanka Makueni Prof.Kivutha Kibwana ayaa sheegay inuu diyaar u yahay soo afjaridda xubinimadiisa xisbiga Wiper.
Tani ayaa timid ka dib markii uu xisbigu u qoray warqad digniin ah.
Waxaa lagu eedeyay inuu siyaasad ahaan isla simaya madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo uunan daacad u ahayn.
Hasa ahaate Prof. Kibwana oo dhawaan taageero siyaasadeed ka helay waxgaradka qowmiyadiisa ayaa sheegay in aynan jirin cid ka hor istaagi karto inuu u tartamo madaxtinimada wadanka.