Mid ka mid ah beelaha waqooyi bari oo sameysatay gole qaran

0
564

Beesha Ajuuraan oo ka mid ah beelaha ku nool gudaha dalka ayaa soo dhistay gole qaran oo ka shaqeyn doono danaheeda.
Golahan ayaa diiradda saari doono arrimaha midnimada, nabadda iyo jiheynta siyaasadeed ee beesha.
Waxgarad gaaraya 39 oo laga soo xushay jifooyinka kala duwan ee beesha ayaa arrimahan loo xilsaaray.
Waxaa arrinkan soo dhaweeyay siyaasiyiin ay ka mid yihiin senatarka Wajeer Dr. Cabdullahi Kabreta iyo xildhibaanka waqooyiga Wajeer Axmad Cabdisalaan.