DHAGEYSO:Puntland oo digniin u dirtay ganacsatada Al-Shabaab lacagaha siiya

0
483

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur oo booqasho ku jooga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, ayaa isagoo ka hadlay dardar gelinta howlaha sugidda Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ayuu Bulshada ugu baaqay inay Ciidamada amaanka la Shaqaeeyaan.
Taliska Booliska Gobolka Bari & Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa kulankooda isku afgarteen inay si wadajir ah ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo Daacish oo weeraro kala duwan ka geysta degaannada Maamulka Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Ganacsatada Puntland u soo jeediyay inaysan Al-Shabaab siinin lacago baad ah oo uu sheegay in dadkooda lagu dhibateeynayo.
Waxaa uu Tilmaamay in Ganacsatada, iyaga oo doonaya inay naftooda badbaadiyaan ay Al-Shabaab siiyaan lacag, balse dadkoodii lagu dilay ayna kamid yihiin dadka wax dilaayo maadaama ay lacag siiyaan Al-Shabaab, waxana uu ugu baqay inay diidaan lacagaha ay siiyaan Al-Shabaab.
Waxaa uu soo jeediyay in ganacsadihii lagu ogaado in uu Al-Shabaab siiyo lacag uu mudan yahay in bartiisa lagu toogto ama la Maxkamadeeyo.