Ardayda ku biiraya jaamacadaha oo warbixin helaya bisha sideedaad

0
407

Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan hannaanka ay ardayda dhameeyay dugsiyada sare ee wadanka ugu biiraan jaamacadaha iyo machadyada ee (KUCCPS) ayaa la filayaa inay berri oo Isniin ah guda gasho geeddisocodkii ugu dambeeyay ee arrinkan ku aaddan.
Tani ayaa timid ka dib markii Jimcihii ay soo idlaatay muddo la siiyay ardayda doonaya inay sameyaan isbeddel ku aaddan codsiyada ay dirsadeen.
Madaxa fulinta ee waaxdan Dr. Agnes Mercy Wahome ayaa maanta sheegtay in ardayda codsaday inay ku biiraan jaamacadaha iyo machadyada wadanka ay warbixin ku aaddan codsiyadooda heli doonaan bartamaha bisha sideedaad ee sanadkan.
Waxay sheegtay inay diiradda saarayaan sidii barnaamijkan loo soo gabagabeyn lahaa si natiijo looga soo saaro.
Dr. Agnes ayaa sheegtay in 4,359 oo arday ah ay ka faa’iidaysteen mudadii loo kordhiyay.
Waxaa codsiyada dirsaday in ka badan boqolkiiba 90 ee ardayda u qalmo inay bartaan shahaadada Degree ee culuunta kala duwan.