Nin la qabtay isaga oo sawir ka qaadaya saldhigga booliska ee Makongeni

0
803

Ciidamada Booliska ayaa xiray nin looga shakisan yahay inuu yahay argagixiso kaasoo la qabtay isagoo sawirro ka qaadaya saldhigga booliska ee Makongeni ee deegaanka Makadara magaaladatan Nairobi.
Sida laga soo xigtay laamaaha amaanka ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Augustine Juma, da’adiisuna tahay 34 jir .
Waxaa la xiray saaka islamarkaana laga qaaday teleefoonkiisa gacanta si baaritaano loogu sameeyo.
Eedeysanaha ayaa sidoo kale la arkay isagoo sawirro ka qaadaya mootada booliska Makongeni ee taarikaadeedu tahay GK A 318.
Booliska ayaa dhanka kale telefoonka eedeysanaha ku arkay sawirro kala duwan kuwaas oo kala ah, bangiga dhexe ee dalka, xarunta dhexe ee waaxda dambi barista ee DCI-da, safaaradda Israa’iil ee Nairobi iyo saldhigga booliiska ee Jogoo road.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale soo helay sawirro saraakiil ah oo ku jiray goobo kala duwan oo tababar ah, xubno bulshada kamid ah oo gacanta ugu jira kooxo looga shakiyay inay Al-shabaab yihiin, kolonyo gawaari ah, dad hubaysan oo u muuqda inay yihiin Al-shabaab, muuqaal laga duubay tuhmanaha oo jirdil u gaysanaya qof kale oo aan la garanayn oo katiinadaysan.