Maxkamadda sare oo amar ka soo saartay garsoorayaal la xiray

0
444

Maxkamadda sare ee dalka ayaa waaxyaha dambi baarista iyo dacwad soo oogidda ka hor istaagtay inay dacwado ku soo oogaan labo garsoorayaal oo dhawaan la xiray.
Xaakinnada ayaa kala ah Aggrey Muchelule iyo Saciid Chitembwe.
Garsoore James Makau ayaa amar ku bixiyay in aan labada garsoore oo la sheegay inay laaluush qaateen aan wax tallaabo oo ka dhan ah la qaadi karin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga dacwad arrinkan looga soo horjeedo.
Waxaa maxkamadda dacwadda u gudbiyay urur ay ku mideysan yihiin garsoorayaasha maxkamadaha wadanka.
Sidoo kale agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji iyo dhigiisa dambi baarista George Kinoti ayaa haysto muddo afar cisho ah oo ay arrinkan uga jawaabayaan.
Amarka maxkamadda waxaa qayb ka ah in kiiskan mar kale la soo hadal qaadi doono 29-ka bishaan Toddobaad.