Waaxda dembi baarista DCI-da iyo waaxda dacwad soo oogida DPP ayaa laga mamnuucay inay soo xiraan , xabsi ku hayaan ama dacwad ku soo oogan garsoore Aggey Muchelule sida ku cad amarka maxkamada sare ay maanta gaartay.
Amarka maxkamada ayaa imaanaya sacaada un ka dib markii ururka garsoorayaasha ay tallbadaasi ku dhalileen dowlada.
Madaxa Caddaalada ee dalka Martha Koome ayaa
Madaxa LSK Nelson Havi ayaa dhankiisa raali gelin ka bixiyay arrinkan isagoo sheegay in Theuri uusan oggolaansho u haysan inuu ururka u hadlo.
Havi ayaa dhanka kale golaha fulinta ee dowladda ku eedeyay inay caburin ku hayso madax bannaanida waaxda garsoorka.
Waxaa uu ku doodayaa in xariga garsoorayaasha looga gol-leeyahay in si gaar ah loogu niyad jabiyo iyaga iyo guud ahaan saraakiisha cadaaladda.
Nelson Havi ayaa intaa ku daray in dowladda laga doonayo inay arrinkan raaligelin ka bixiso hadii kale uu is casilo ama xilka qaadis lagu sameeyo agaasimaha waaxda dambi baarista dalka George Kinoti .
Garsoorayaasha ayaa lagu eedeyay inay laaluush qaateen xilli ay gacanta ku hayeen kiisas hore .
Sida uu sheegayo Gareenka matalayo Ururka Garsoorayaasha Danstan Omari siyaabaha loola dhaqmayo garsooyaasha waxa maul ka ah dowlada.