Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa urur goboleedka IGAD iyo hay’adda cunnada iyo beeraha ee FAO uga mahadceliyay deeq ay gaarsiiyeen dowlad deegaankaasi.
Shalay ayay ahayd markii ismaamulka Mandera loogu deeqay cagafcagafyo labo ah oo kaalin ka qaadan doono howlaha abuurka ee agagaarka webiga Dawa.
Sidoo kale Mandera ayaa IGAD ka heshay mid ka mid ah baabuurta gurmadka degdegga ee loo yaqaano Ambulance.
Cali Roba ayaa xoghayaha fulinta ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu iyo wakiilka hay’adda FAO ee dalka Carla Mucavi uga mahadceliyay inay safar ku tageen Mandera.
Sidoo kale waxaa uu xusay in deeqdan loo soo mariyay wasaaradda caafimaadka oo uuna guddoonsiiyay xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda Dr. Rashid Aman.
Guddoomiyaha Mandera ayaa sheegay inay rajeynayaan inuu sii socdo iskaashiga kala dhexeya IGAD iyo FAO si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeya bulshooyinka ku nool xuduudda wadamada Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.